(Hadalsame) 22 Agoosto 2023 – Pep Guardiola ayaa Isniintii waxaa ganaax u jaray qolyaha baakinnada koontoroola kaddib markii uu gaarigiisa dhigay laba jiitimood oo jaalle ah taasoo ay khalad tahay in gawaarida la dhigo.
Macallinkan Isbaanishka ah, oo ay kooxdiisa Manchester City dhaaftay Newcastle United si uu usii wado guulaha ay ku bilowdeen Premier League fiidnimadii Sabtigii, ayaa waxaa lasoo duubay iyadoo ganaax loogu jarayo magaalada wayn ee Manchester.
As Guardiola walked back to his car, a traffic warden handed him a ticket and proceeded to ask him for a photograph.
Markii Guardiola uu dib ugu soo laabtay gaarigiisii, waardiyihii baakinka ayaa tikit ganaax ah u dhiibey balse wuxuu waydiistey inuu sawir la galo.
Yeelkeede, sida lagu faafiyey TikTok, maamulaha Man City ayaa ku kaftamay isagoo ka jawaabaya codsiga ganaaxaha: ‘Ma rabtaa sawir? Waa inaad bixisaa kharashka sawirka!’ Waxaana deeto la arkayey iyagoo isla qoslaya.
@adeel.pti Warden asking for a picture & after issuing the ticket got me laughing. Another charge added haha #pepguardiola #trafficwarden #Manchester #ManchesterCity #FreePep #HMP #UEFA #premier #FYP #barcelona ♬ original sound – Adeel
Hadalsame Media