Nin Man United 16 sano u shaqaynayey oo cunto nooc cusub ah ku xujeeyey kooxaha EPL

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2023 – Madaxda garsoorayaasha ayaa u soo diray naadiyada Premier League liiska cuntooyinka ay u baahan yihiin garsoorayaashu maalinta ciyaarta – iyadoo meesha laga saaray sandwich-ka.

Kooxaha heerka koowaad ayaa loo sheegay in la ogol yahay bariiska, subagga lowska iyo keega kalluunka ka samaysan, balse aan la ogolayn baradhada rootiga la dhexgeliyo iyo ‘cuntooyinka dufanka leh’.

naadiyada ayaa waxaa loo sheegay in Jamciyadda GARSOORAYAASHA Ingiriiska ee PGMOL aysan ogolayn cuntooyinka uu ku badan yahay fiber-ku iyo lawska – kuwaasoo uu dheefshiidkoodu qaato waqti dheer.

Shuruudaha waxa loo kala qaybiyey ciyaarta kahor iyo ciyaarta kaddib. Cuntooyinka kulul ee kaddib ciyaaraha waxay garsoorayaashu rabaan cunnooyin borotiin leh (digaag, hilib lo’aad ama kalluun) oo lagu laray khudaar iyo saladh.

Keega kalluunka iyo baradhada macaan ayaa sidoo kale ku jira liiska faahfaahsan kuwaasoo ay la socdaan ‘salad digaag wata oo kulul’ iyo baradho shiilan, kaari iyo suxuun baasto ah. Ciyaarta kahor waxaa loo dalbay cuntooyin xirxiran sida noocyada ay sameeyeen ‘Nakd’ iyo ‘Go Ahead breaks yogurt’.

Liiska dalabaadka, oo ay ku jiraan canbaha, miraha kiwi iyo qaraha, ayaa loo malaynayaa inay tahay mid kasoo maaxatay maskax dhaqtarkii hore ee Manchester United, Steve McNally, kaasoo kooxda ka tagay 16 sano kaddib si uu u qabto doorka cusub oo ah Agaasimaha Taageerada Bandhigga ee PGMOL bishii Diseembar.

McNally wuxuu la shaqeeyaa koox saynisyahano isboorti ah si loo hubiyo in garsoorayaashu – oo inta badan ku khqasban inay ordaan 12 kiiloomitir ciyaartiiba – ay qaataan cuntada ku habboon, si ay u helaan nafaqo fiican.

Hadalsame Media