Niciimo Qorane oo ka jawaabtey war lagu ceebaynayo oo maanta aad loogu faafiyey baraha bulshada

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2023 – Niciimo Qorane ayaa ka fal-celisey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegayey inay ku eedaysan tahay “arrin aan qurxoonayn.”

Qoraal ay haatan soo dhigtay boggeeda Facebook ayay ku sharraxday waxa dhacay waxayna iska fogeeysey jiritaanka warkaas oo ay ku sheegtay been-abuur hore. Waxay tiri:

“Nin aan yaabin ayaa yidhi waan yaabay! Xalay ayaan ka hadlay space lagaga hadlaayay Elham Garaad oo ay dowladdu ka dacwaysay Twitter si boggeeda looga xidho.

“Waxaanan tusaale usoo qaatay, waagii Facebook dhimashada layga saaray, ee aan lasoo noqday, in ay Nisa warqad been Abuur ah iga qortay si markale layga xidho Facebook, taasi oo ay ku sheegeen in ay Naciima tahay dambiile kufsaday wiil yar oo 12 jir ah.

“Been abuurkaasi uma suurogalin nasiib wanaag oo waakan boggayga Facebook weli shaqaynaya.

“Mar dhawayd uun baan arkayaa dadka isoo Mention garaynaya ee wareejinaya arrintaas. Soomaalidu intooda badan waa dad beenta iyo xumaanta ku ceesha, waana sababta ilaa hadda aynu ugu jirno dowlad la’aanta iyo dayaca.

“Anigii ka cabanaayay been abuurka ay dowladdu iga samaysay si lay shibaateeyo Page kayga loo xidho ayaad igu soo kala qabateen?

“Waligiin ayaad hadallada dadka intaad rabtaan ka goosataan si aad burush xaar leh u marmarisaane, hawlihiinna wata magacaygu mid ciyaar ku wasakhoobi kara maahee.” Ayay kusoo afjartay.

Hadalsame Media