Markab adeegsanaya FARSAMO nooc cusub ah oo badda lagusii daayey & Dalalka uu isaga gooshayo + Sawirro

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2023 – Markab wayn oo nooca xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo Pyxis Ocean ayaa safarkiisii ugu horreeyey bishan shalay u baxay. Laakin si ka duwan maraakiibta kale ee ka horreeyey, kani waxa uu qayb ahaan ku shaqeeyaa tamarta dabaysha.