Kooxda Daalibaan oo bilowday mashruuc horumarineed oo ay dunidu la yaabban tahay (Daawo)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2023 – Wax walba niyadda iyo dadaalkey ka tolmaan.

Taliban oo 2 sano xukunka haysa, adduunka oo dhammi go’doomiyey, wexey dhiseysaa webi sanaaci ah (artificial) oo ay kaga hortegeyso abaaraha, biya la’aanta, nabaad guurka, iyo beerid la’aanta, waana mashruuc ay fulin waayeen dawladihii ka horreeyey ee adduunku taageersanaa.

Markii ay talada qabteen ayey isla markiiba $100 milyan oo ay canshuuraha ka ururiyeen u qoondeeyeen in hawsha qaybta 1aad lagu bilaabo, si fiican ayuuna u socdaa.

$600 milyan ayaa la filayaa in uu ku kaco, 280 km webi ah, $1 kaalma dibadeed ahina kuma jiro.

Waxaa la filayaa 55,000 hectar dhul beereed ah in uu waraabiyo, qamadiga lagu beero, taas oo ka dhigi doonta 2025 inshallaahu Afghanistan in ay cuntadeeda isku filnaato, baaqigana dhoofiso.

Dawladaha dagaalku aafeeyey ayey dersi u tahay, haddii niyad iyo kalsooni iyo hufnaan ku shaqeeyaan in ay wax badan qabsan karaan, laakiin waa marka ay niyadda iyo riyada ka reebaan IMF iyo WB gacan u hoorsigooda.

Halkan ka DAAWO….

W; D: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media