(Hadalsame) 21 Agoosto 2023 – Waxaa galabnimadan lagu weeraray xaafadda Södertälje, ninka caanka ku noqday gubitaanka Qur’aanka Kariimka ah ee Salwan Momika oo uu feeray nin sita galoofyada feerka, sida uu isagu sheegay.
“Inkasta oo aan isku dayay inaan ka hortago inuu isoo weeraro oo aan dhowr jeer ka codsaday in aanu ii soo dhowaan, haddana waxa uu ku adkaystay inuu i weeraray oo uu i garaacay,” ayuu Salwan Momika kusoo qoray email uu u diray Aftonbladet.
Waxa uu sheegay inuu u yimid nin xiran gacmo-gashi feerka ah sida laga arki karo muuqaalka dhacdadan oo uu oo dhigay Tik Tok. Halkan ka DAAWO…..
“Waxaan ku sugnaa SALDHIGGA Södertälje, qof muslim ah ayaa ii yimid oo isoo weeraray wuuna i garaacay wuxuuna ii ballanqaaday inuu i dili doono, waxaana hadda ku jiraa isbitaalka anigoo dhaawac ka ah isha iyo madaxa,” ayuu yiri Salwan Momika.
Si kastaba, dadwaynaha ka fal-celiyey dhacdadan oo ay ku jiraan qaar badan oo Swedish ah ayaa muujiyey inay ku faraxsan yihiin weerarka lagu qaaday ninkan oo ay qaarkood sheegeen inuu ”halis gelinayo ammaanka dalkooda”, qaar baa xitaa soo jeediyey in dalka laga musaafuriyo, halka qaar kale ay dhaliileen inuu ninkani dadka kutubtooda gubo iyo in gacan loola tago labadaba.
Halkan hoose ka dheeho fal-celinta….
Hadalsame Media