(Hadalsame) 21 Agoosto 2023 – Maxaa ka cusub howlgalka xoreynta ee ka socda Galgaduud?
Wararka aan ka helayo howlgalka xoreynta ee ka billowday deegaannada gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ay saacadihii la so dhaafay u jiheysteen magaalooyinka muhiimka ah ee ay argagaxisadu ka joogto Galgaduud, kaddib markii lagu guuleystay howlgallo todobaadyadii la soo dhaafay lagu ciribtirayay awooddii ay kooxdu u dhaqaalaysanaysay weerarrada gurmadka ama gaadmada ah ee ay ku qaadi lahayd magaalooyinka laga qabsado.
Tan iyo markii ay billowdeen labakacleynta howlgallada lagu ciribtirayo argagaxisada ku sugan goballada dhexe, waxaa muuqanayay isbeddel lagu sameeyay istaraatiijiyadda iyo qorshihii dagaalka ee dawladda, taas oo durba natiijo wanaagsan laga helay.
Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ayaa gulufkaan cusub ee hadda socda waxa ay xoogga ku saareen sifeynta keymaha iyo dhulka hawdka ah ee ku teydsan jidadka la isaga gudbo goballada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ahaa gabbaadyo muhiimka ah oo ay argagaxisadu ku talogalayeen inay isugu geeyaan awoodooda, marka laga soo saaro magaalooyinka ay hadda ku hareen.
Istiraajiyada howlgalkan ayaa loogu talogalay in cuddudda argagaxisada lagu wiiqo dagaallo toos ah oo duurka lagula galayo, si hal mar loogu wada jebiyo duur iyo deegaannaba, loogana wada saaro goballada Dhexe.
Howlgalladii hore ee magaalooyinka badan lagu soo xoreeyay ayaa waxa barbarsocday halista weerarro waxyeello badan geystay oo ay argagaxisadu ku soo qaadi jirtay deegaannada ay marka hore isaga baxdo.
Waxayna taas ahayd dhaliil weyn oo dadka arrimaha milatariga yaqaana ay u jeedinayeen qorshaha dagaal ee dawladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore ka hadlayay Dhuusamareeb ayaa waxa uu kalsooni ka muujiyay in ay dawladdu ka gaashaamatay weerarro rogaalcelis ah oo ay argagaxisadu soo qaadaan, isaga oo tilmaamay in dagaalka hadda socda uu yahay mid si buuxda la isugu furayo duur iyo magaalaba, laguna ciribtirayo dhufeysyada ay kooxdu ku dhuumaalaysan karto.
W; D: Cabdicasiis Golf Yare
Hadalsame Media