(Hadalsame) 21 Agoosto 2023 – Diyaaradaha F-16 ee Danmark iyo Nederlands ay ugu deeqayaan Kiev ayaa lagu xirey shuruud ah in loo isticmaalo oo kaliya gudaha dhulka Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Denmark, Jakob Ellemann-Jensen.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in labada dal ee Midowga Yurub ay ku deeqi doonaan hubka iyaga oo shuruud ku xiraya in loo isticmaalo in ”cadowga lagaga saaro dhulka Ukraine. Wax intaas dhaafsiisanna ma jirto.”
“Kuwaasi waa shuruudaha aan wadanno, hadday tahay taangiyada, diyaaradaha dagaalka ama wax kastoo kale,” Ellemann-Jensen ayaa ku daray.
Gudoomiyaha Xisbiga Konserfatiifka ee Denmark, Soren Pape Poulsen, ayaa sidoo kale ku adkaystay in diyaaradaha Maraykanku naqshadeeyay ee F-16 aanay ka howgelin meel ka baxsan dhulka Ukraine xaalad kasta ha jirtee.
“Waa muhim in loo isticmaalo difaaca gudaha Ukraine. Fikradda ayaa ah in diyaaradahan aan loo isticmaalin in lagu weeraro Ruushka,” ayuu yiri Poulsen, isaga oo ku nuuxnuuxsaday “waa inaan xasuusannaa inuu jiraa khad kala qaybiya labadaas.”
Axaddii, labada dal ee Denmark iyo Netherlands ayaa waxay ku dhawaaqeen inay Kiev siin doonaan diyaaradaha F-16 oo ay muddo dheer dalbanayeen, iyadoo Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky uu booqasho ku tagay saldhigga cirka ee Eindhoven si uu ula kulmo R’iisul Wasaaraha Holland ee Mark Rutte.
Hadalsame Media