”Haddii aad i daysaan mar kale ayaan wax dilayaa” – Dardaaranka haweeney dilaa ah markii lagu xirey kursigii lagu dilayey (Nooca dadka ay dili jirtey?)

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2023 – Aileen Wuornos oo ahayd haweeney dilaa ah oo Maraykan ah ayaa la waydiiyey fariinteedii ugu dambaysey waxa ay ku sheegi lahayd kahor inta aan lagu durin cirbad dilaa ah gobolka Florida sanadkii 2002-dii, balse waxay ku dhaaratay inay soo laaban doonto.

Wournos, oo la sheegay inay aad u dhoolla caddaynaysey sida ay xuseen marqaatiyaashii qolka dilka, waxay tiri: “Haa, waxaan jeclaan lahaa inaan dhaho waxaan soo laaban doonaa, Maalinta Xorriyadda.

Wournos, oo lagu xukumay wadar ahaan lix xukun io dil ah kaddib markii ay dishey toddobo nin intii u dhaxaysey 1989 ilaa 1990, ayaa xabsiga la dhigay Janaayo 1991-kii.

Wournos oo ahayd dumarka jirkooda ka ganacsada ayaa sheegtay inay raggan u dishay raggan is-difaac darteed iyadoo sheegtay inay dhammaantood kufsadeen ama isku dayeen inay sidaas sameeyaan.

Iyada oo muujinaysa inaysan qabin wax qoomamo ah ayay tiri: “Nimankaas waan dilay, waana dhacay si baraf ka qabow. Mar kale ayaana samayn doonaa haddaad i daysaan marka yaan la isii daynin. Nacaybka aan u qabo ayaa gudeheeyga dhex gurguuranaya.” Ayay raacisay.

Aileen Wournos handcuffed during a court hearing in Florida

Headshot of Aileen Wournos flaring her eyes while smiling

Hadalsame Media