(Garoowe) 21 Agoosto 2023 – Dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa qaar ka mid ihi waxay ka fal-celiyeen xiritaanka ay soo rogtey DF Somalia oo shalay soo saartay amar lagu xirayo aaladahan.
DF Somalia ayaa xiritaanka u sababaysay dhaqanxumo halkaa lagu baahiyo iyo inay ammaanka halis ku yihiin oo ay adeegsadaan kooxaha argagixisada ah, sida ay sheegeen.
Waxay u qabteen in lagu xannibo ilaa ugu dambayn 24-ka Agoosto oo Khamiista ku beegan oo ah waqtiga ay shirkadaha isgaarsiintu xiri karaan apps-kan.
Dadwaynaha Garoowe ayaa joojinta ay soo rogtey DF Somalia ayaa farriimo isku dhafan ka bixiyey iyadoo dadkii la waydiiyey ay qaar badani soo dhoweeyeen go’aankan iyagoo xusay inay dhallinyaradu ku luntay, halka ay qaar kale ku doodeen inay faa’iido iyo madadaalo ku qabeen.
”Madaxwaynaha DF waxaan leenahay ninyohow naga wareeji.” ayay tiri gabar ka mid ah dadkii la waraystay.
Dadka oo INTA BADAN isku raacay in Tik Tok uu yahay aalad fasahaad kusoo kordhisey dhallinyarada Soomaalida, gaar ahaan gabdhaha, ayay qaar ka mid ihi soo jeediyeen in Telegram-ka ay dadka qaarkood wax ku baran jireen, waloow sidoo kale la adeegsan karo Whatsup-ka.
Hadalsame Media