(Muqdisho) 21 Agoosto 2023 – Dekedda Muqdisho ayaa la sheegay in laga soo dejiyo jaay iyo ciidda bataaxa ah ee dhismaha ama Soomaalidu u taqaan carro-maanyo.
Ciiddan iyo jaaygan oo laga keeney dalka dibefdiisa ayaa laga soo dejiyaa Dekedda Magaalada Muqdisho sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Waxaa kasii daran in JAAYGA dibedda laga keeney uu ka qaalisan yahay kan dalkeenna laga helo.
Dad xog ogaal ah oo la waydiiyey sababta rakhiista ka dhigtay kan dibedda laga keeno waxay sheegeen inay tahay isbaarooyin fara badan oo yaalla halka jaaygaas lagu diyaariyo ee duleedka Muqdisho taasoo keentey in ganacsatada ka wareegsadaan jaaygeenna oo ay ka doorbidaan kan dibedda laga soo dhoofinayo.
Dowlafda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in arrintan ay deg deg wax uga qabato maadaama ay weji gabax ku tahay in jaay iyo ciiddii dalka laga helayey laga keeno dalka dibeddiisa isbaarooyinkaas dartood.
Arrintan ayaa dhabarjab ku noqonaysa dhaqaalaha Somalia oo awalba ahayd dal aan wax badan soo saarin, balse lacag adag oo malaayiin Doollar ah wax kusoo iibsata.
Hadalsame Media