”Waxaa saaran bambo!” – Diyaarad Sweden usoo socotey oo ay mar qura rakaabkii qaylo isku dareen

0

(Antalya) 20 Agoosto 2023 – Diyaarad kasoo duuli lahayd dalka Turkiga kuna socotey Sweden ayaa loo hakiyey sababo la xiriira dhanka ammaanka kaddib markii la sheegay inuu bam saaran yahay. ”Kulligeen waxaan bilownay inaan qaylinno.” ayuu yiri qof saarnaa oo uu xigtey Aftonbladet.

-Diyaaradda ayaanu saarnay markii aanu helnay xog ku saabsan hanjabaado bam. Qof kastaa wuu kacay oo bilaabay inuu qayliyo, ayuu yidhi nin Iswiidhish ah oo isla goobta jooga.

Diyaaradda oo ka timid Antalya kuna socotey Arlanda ayaa loo hakiyey dhibaato dhanka ammaanka ah, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha ee Pegasus. Diyaaraddu waxay ahayd inay duusho 07.30 xilliga Sweden.

”Diyaaraddu waxa ay bilowday inay dhaqaaqdo markii aan helnay xogta ah inay jirto khatar bam. Qof kastaa wuu qeyliyey oo wuxuu rabay inuu ka baxo, waxay ahayd xaalad aad ugu adag qof walba,” ayay tiri haweeney la socotey diyaaradda oo kusii jeeday gurigeeda Sweden.

Diyaaradda ayaa deeto dadkii laga daadgureeyey, waxaana loo yeeray Booliiska.

Sida laga soo xigtey diyaaradda Pegasus, diyaaraddu waxay markale soo duuli doontaa gelinka dambe ee isla maanta, iyadoo aan waxba la helin kaddib markii eeyo lagu baaray diyaaradda.

Hadalsame Media