(Hadalsame) 20 Agoosto 2023 – Ruushka ayaa diidey inuu kusoo noqdo heshiisyadii canshuuraha ee uu dhowaan ka baxay ee uu kula jirey wadamada reer Galbeedka ilaa LA QAADAYO cunaqabataynta saaran Moscow, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Ruushku.
Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa horraantii bishan saxiixay amar lagu joojinayo qaar ka mid ah qodobbada heshiisyada laba-canshuurta ee ay kula jireen 38 dal oo ay ku jiraan Maraykanka, UK & Midowga Yurub, gaar ahaan dalalka ay Moscow u taqaan ”kuwa aan saaxiibka ahayn.”
Yeelkeede, dalalka UK & France ayaa durba Ruushka ka codsaday inay go’aankaa ka noqdaan, maadaama uu keenayo in laba jeer la canshuuro dadka labada dal u kala dhashay ee kala jooga labada dal.
Tusaale, haddii aad tahay Ruush ku nool UK waxaad hadda kaddib dakhligaaga ka bixinaysaa 2 canshuurood oo aad mid Ruushka siinayso midna dalka aad ku nooshahay iyo taas cagsigeeda oo khusaynaysa qofkii Ingiriis ah ee ku nool Ruushka, taasoo dakhliga qofka ka ah 20%.
Awal wuxuu xaalku ahaan jirey inuu qofku canshuurta dakhliga siiyo oo qura dalka uu markaa ku nool yahay.
Hadalsame Media