DF Somalia oo xirtey aaladaha 1Xbet ,Telegram iyo Tiktok (Waqtiga ugu dambeeya?)

0

(Muqdisho) 20 Agoosto 2023 – DF Somalia ayaa soo saartay amar lagu xirayo apps-ka 1Xbet ,Telegram iyo Tiktok.

DF Somalia ayaa xiritaanka u sababaysay dhaqanxumo halkaa lagu baahiyo iyo inay ammaanka halis ku yihiin oo ay adeegsadaan kooxaha argagixisada ah, sida ay sheegeen.

Waxay u qabteen in lagu xannibo ilaa ugu dambayn 24-ka Agoosto oo Khamiista ku beegan oo ah waqtiga ay shirkadaha isgaarsiintu xiri karaan apps-kan.

Dadwaynaha ayaa muddo dheer dalbanayey in wax laga qabto dhaqan xumada ku baahdey aaladahan oo sidoo kale lagu baahiyo falal la iskaga hor keenayo ummadda.

Hadalsame Media