Xaflad uu ka qaybgalayey MW Somaliland oo mar qura qamuunyo isu rogtey

0

(Burco) 19 Agoosto 2023 – Cali Nuur, oo ka mid ahaa waalidkii maanta ka qaybgalayey munaasabad ay ku qalinjebinayaan Ardayda jaamacadda Burco ayaa si kedis ah isla xafladdii ugu geeriyooday.

Duqa Magaalada Burco ayaa sheegay in aabbahan uu saaka soo fadhiistay Hoolka ay ka dhacaysey qalinjebintu si uu farxadda ula qaybsado gabadhiisa oo ka mid ahayd ardaydii aflaxdey.

Ha yeeshee, waxaa marxuumka si faj’o ahayd ugusoo booday xanuun kaddibna waa geeriyoodey.

Dadkii ku sugnaa xafladda qalinjebinta jaamacadda Burco ayaa aad uga naxay geerida Cali Nuur oo jawigii farxadeed ee xafladda mar qura u rogey mid murugo.

Waxay ahayd dufcaddii 13-aad ee ka qalinjebisa Jaamacadda Burco waxaana goota marti sharaf uu ka mid ahaa MW Somaliland, Muuse Biixi.

Hadalsame Media