(Jabuuti) 19 Agoosto 2023 – Wasiir Xigeenka Gaashaandhigga Ruushka, Alexander Fomin iyo Taliyaha Guud ee ciidamada Jabuuti Zakariye Sheekh, ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinaca millateriga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
“Intii uu socdey wadahadalku, waxaa la xusay horumarka wanaagsan ee iskaashiga millateri ee labada dhinac, waxaana la isla meel dhigay in la abaaro jihooyin rajo leh oo cusub,” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo bayaan kooban soo saartay.
Intaa waxaa dheer, Fomin oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka guud ee Ruushka iyo Jabuuti, iyo in Wasaaradda Difaaca Ruushku ay u sii wadayso qorshaha xiga.
Jabuuti oo ah dal yar oo dhaca Gacanka Cadmeed iyo afka laga galo Baabul Mandab ayaa wuxuu doonayaa inuu ka faa’iidaysto makaanka istaraatijiga ah ee uu ku yaallo, isagoo durba martigeliya ciidamada dalal badan oo ay ku jiraan quwadaha Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska IWW.
Hadalsame Media