(Hadalsame) 19 Agoosto 2023 – Balaarinta DP World ee Dekedda Boosaaso ee Soomaaliya ayaa la filayaa in lasoo gebagebeeyo dhammaadka sanadkan 2023, sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha Maamulka Puntland.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan $366 milyan oo doollar, waxa maalgelinaya qayb ka mid ah shirkadda DP World ee Dubai. Dekeddan dhacda gacanka cadmeed ee Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka mid ah dhowr DEKEDOOD oo ay shirkaddu ka qabsatay dibna u habaynayso Geeska Afrika.
“Marka la eego, in ay ku taal meel istiraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo lagu soo jiidan karo ganacsatada gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Axmed Yaasiin Saalax, Wasiirka Dekedaha Puntland. Wejiga labaad ee ballaarinta ayaa bilaaban doona sanadka soo socda.
Qayb ka mid ah DP World ayaa ku guulaysatey heshiis 30 sano ah 2017-kii si ay u horumariyaan oo ay u maamulaan Dekedda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Shirkadan ayaa heshiis midkan lamid ah kula jirta Dekedda Berbera ee Maamulka Somaliland oo sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya.
Yeelkeede, heshiisyadan oo dhan waxaa ka taagan muran maadaama aysan ahayn kuwo lala galay DF Somalia oo sharciyan ah hay’adda ay tahay in arrimahan wax laga waydiiyo.
Hadalsame Media