(Hadalsame) 19 Agoosto 2023 – Kuuriyada Woqooyi ayaa wiil laba sano jir ah ku xukuntay xabsi daa’in kaddib markii ay saraakiishu guriga qoyskiisa ka heleen Kitaabka Baybalka oo ay aqrinayeen waalidka ilmahan yar, iyada oo nidaamka kelitalisku uu sii wado diidmada diimaha.
Ilaa 70,000 oo Masiixiyiin ah ayaa ku xiran Kuuriyada Woqooyi, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay faafisay Jamciyadda Xorriyadda Diimaha Caalamiga ah oo ay soo xigatay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka.
Xukunkan waaqiciyadda ka baxsan ayaa hoosta ka xarriiqaya ciqaabta naxariis darada ah ee lagala kulmo hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jung Un.
Dadka lagu qabto nuqul ka mid ah Kitaabka Masiixiga iyo kutubta diimaha kale ayaa Woqooyiga Kuuriya ku wajaha ciqaab dil ah, halka qoysaskooda – oo ay ku jiraan carruurtu – lagu xukumo xabsi daa’in.
Warbixintu waxay markale iftiimisay xariggii 2009 ee qoys loo xukumay dhaqankooda diimeed iyo haysashada waalidka ee Kitaabka Baybalka.
Hadalsame Media