Dal Afrikaan oo shidaal badan xeebihiisa ka helay oo ay iskugu yimaadeen shirkadihii caalamku (Somalia oo ka mid ah dalalka….)

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2023 – Dal Afrikaan ah oo shidaal dhowaan helay ayaa raadinaya maalgashi caalami ah si uu uga faa’iidaysto dahabka madow ee uu helay.

Namibia ayaa waxay doonaysaa maalgelin caalami ah kaddib markii shidaal laga helay xeebaha dalkaasi waxayna u baahan yihiin maalgashi la taaban karo si loo dhiso kaabayaasha dekedo cusub, sida ay qoreen Bloomberg.

Shidaalka dhowaan la helay ayaa gaaraya qiyaastii 7 bilyan oo fuusto oo saliid ah, sida laga soo xigtey shirkadda la-talinta ee Wood Mackenzie.

Daah-furkan muhimka ah ee laga sameeyay dalkan koonfurta Afrika dhaca gaar ahaan aagga Orange Basin 2022 iyo 2023 waxaana uu soo jiitay shirkadaha saliidda iyo gaaska ee waawayn, oo ay ku jiraan TotalEnergies, Shell, Chevron, iyo ExxonMobil, iyo sidoo kale shirkadaha tamarta caalamiga ah sida Galp iyo QatarEnergy.

Horraantii bishii Maarso, Namibia waxay samaysay shidaal helitaankeedii saddexaad ee aagga Orange Basin, iyada oo Shell iyo QatarEnergy ay si guul leh u wadeen mashruuca sahminta Jonker-1X.

Hadda, waxay doonaysaa 40 bilyan oo doollarka Namibia ah ($2.1 bilyan) oo ah raasumaal gaar ah si ay u horumariso mashruuc laga dhisayo Walvis Bay iyo Luderitz, kaas oo ay ku jiraan dhismaha khoorar cusub iyo darbiyo biyoodyo si ay u taageeraan adeegyada qodista iyo dhoofinta, sida uu sheegay madaxa fulinta ee maamulka dekedaha dalkaasi, Andrew Kanime.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee aadka loo hadal hayo inuu shidaal badani xeebeheeda ku jiro, waloow weli amaanka ay dhibaato ka taagan tahay.

Hadalsame Media