(Nairobi) 19 Agoosto 2023 – Hay’adda Dembi Baarista Kenya ee DCI gaar ahaan Unugta La-dagaallanka Argagixisada, ayaa magaalada Kiambu kusoo xirtay nin looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.
Eedeysanaha oo 41-jir ah, ayaa Dembi Baarayaasha geeyey gurigiisa oo ku yaalla degaanka Riruta ee Dagoreti, ee ismaamulka Kiambu, halkaas oo ay kasoo heleen bastoolad Glock ah oo ay ku cabbaysan yihiin lix xabo oo rasaas ah, 31,000 Sh oo kaash ah iyo 25kg oo masaamiir 4 inji ah oo looga shakisan yahay in loogu isticmaalo firir ahaan samaynta qaraxan macmalka ah (IED).
Saraakiisha ayaa sidoo kale jeebkiisa kasoo saaray shan xirmo oo ay ku jiraan walxo cad cad, oo looga shakiyey inay tahay daroogada culus ee kookaynta.
Waxa kale oo gurigiisa laga helay nashiidooyin xagjirayn ah oo lala xidhiidhinayo kuwa ay adeegsato shabakadda argagixisada al-Shabaab, sida uu baahiyey Nation TV.
Eedaysanaha ayaa waxaa hadda su’aalo waydiinaya baarayaasha la-dagaalanka argagixisannimada kahor inta aan maxkamad la soo taagin Isniinta.
Hadalsame Media