(Stockholm) 18 Agoosto 2023 – Haweeney ayaa weerar ku qaadday ninkii Kitaabka gubayey oo maanta barnaamijkiisa ku qabtay bannaanka Safaaradda Iran ee Stockholm.
Haweenayda oo sidata dab-damiye ayaa isku dayday inay damiso dabkii uu shidayey Salwan Momika oo Qur’aanka dab qabadsiiyey, sida ay sheegtay Nivette Dawood oo ka tirsan Aftonbladet oo goobta ku sugnayd.
Haweenayda ayaa waxa si deg deg ah xabsiga ugu taxaabay booliiska, waxaana halkeedii kasii socday isu soo baxii dadwayne. Waxaa hadda lagu haystaa wax lagu sheegay ”inay gacan ka hadal u gaysatey howlwadeennada iyo khalkhal gelinta nidaamka guud”, sida lagu qoray wargayska.
Ninka ayaa markii uu arkay kaarboonkii budada ahaa ee ay haweenaydu buufinaysey wuxuu u cararay si ay ka muuqato inuu si wayn u cabsaday. Halkan ka DAAWO….
Lama sheegin haybta haweenayda iyo inay tahay Swedish dhalad ah iyo asal shisheeye.