(Stockholm) 18 Agoosto 2023 – Dowladd Sweden ayaa waxay maanta go’aansatay inay bilowdo baaritaan dib u eegis loogu sameeyo xeerarka jira.
Baaritaanku waxaa uu falanqeeynayaa in qiil laga raadiyo dastuurka iyadoo maanka lagu hayo amniga boqortooyada Sweden. Balse si kastaba ha ahaatee, si rasmi ah wax loogama beddelayo dastuurka.
”Waxaa la eegayaa in tusaale ahaan la xadido xorriyadda isu imaatinka iyadoo laga duulayo ama maanka lagu hayo amniga Iswiidhan,” ayuu yiri Gunnar Strömmer, Wasiirka CADAALADDA.
”Waxaan diyaarinaynaa tillaabooyin dheeraad ah si aan uga hortagno saamaynta macluumaadkii aan loo baahnayn. Waxaa la gubay kitaabo diini ah oo ay Dowladdu iska fogaysey. Laakiin waxaan aragnay in dacaayad nalaka faafiyey.” ayuu yiri isagoo aan cidna magacaabin, balse saxaafadda ayaa horay u magacowday dalka Ruushka oo ay sheegeen inuu Sewden ka horkeenayo dalalka Muslimka ah.
Baaritaanku waxaa uu lafo-gurayaa suurtagalnimada in la diidi karo oggolaanshaha isku imaatinnada Kitaabbada lagu gubo, gaar ahaan Qur’aanka, in loo calaamayn karo meelo kale oo ka duwan masaajidda iyo Safaaradaha hortooda, iyo suurtagalnimada kala diridda dibedbaxyada noocana ah.
Strömmer waxa kale oo uu tilmaamay in booliiska la siin karo awood ay ku diidi karaan ogolaanshaha isu imaatinnada dadwaynaha haddii ay jirto khatar ku wajahan nidaamka ama ammaanka goobta uu kulanku ka dhacayo.
Baaritaanku waxaa uu dhamaanayaa1-da Juun sanadka soo aaddan waxaana hoggaaminaya Mattias Larsson, oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Kahortagga Dembiyada.
Xisbiga cunsuriga ah ee SD ayaa durba ka hor yimid baaristan, iyadoo uu Guddoonkooda Jimmie Åkesson uu ku tilmaamay wacaal laga xumaado.
Hadalsame Media