Somaliland oo iska oo iska fogeysey dilka Abwaan Kediye (3 dhinac oo ay farta ku fiiqeen)

0

(Hargaysa) 17 Agoosto 2023 – Maamulka Somaliland ayaa iska fogeeyey inay sabab u yihiin geeridii abwaan Jaamac Kediye oo shalay la sheegay inuu sababsaday madfac kula dhacay Laascaanood.

“Wasaaradda Gaashaandhiga JSL ayaa cambaaraysay dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa hal abuurka iyo haldoorka dalka oo ay kooxaha aragagixisada iyo huwanta ku sugan magaalada Laascaanood dileen.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay WG maamulkaasi.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga SL ayaa lagu sheegay in dilka Abwaanka ay ka dambeeyeen wax ay ku sheegeen kooxaha “aragagixisada ah” ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxay sheegeen in qolyahani ay ku shaqeeyaan inay khaldaan ra’yul caamka iyagoo adeegsanaya qas, cabsigelin iyo marin habaabin.

Waxay farta ku fiiqeen inay dilka ka dambeeyaan 3 qolo oo kala malliishiyaad huwan ah, kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Puntland.

Si kastaba Somaliland iyo dhinacyada kale midna sooma bandhigin cadaymo moowduuci ah oo muujinaya sida ay wax u dheceen.

Hadalsame Media