”Dilkii Qadaafi wuxuu ahaa khalad wayn” – Dal reer Galbeed ah oo qiray sababta ay dilkiisa uga shallaayeen

0

(Florence) 17 Agoosto 2023 – Quwadaha reer Galbeedka ayaa gaystey gef wayn kaddib markii ay gacan ka gaysteen in xilka laga tuuro hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii howlgalkii talis badalka ahaa, sida uu qabo diblomaasiga ugu sarreeya ee Talyaaniga, isagoo qirtay in geeridiisu ay daboolka ka rogtey sanado badan oo ay fowdo ah iyo iskahorimaadyo ka socdeen dalkan Afrikaanka ah.

Isagoo ka hadlayey munaasabad ka dhacday gobolka Tuscany Arbacadii, Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Antonio Tajani, ayaa ku tilmaamay dhibaatooyinka Liibiya kuwo bilowday tan iyo markii la afgembiyey Qadaafi oo deeto la diley, isagoo sheegay inuu “ka hubaal wanaagsanaa kuwa markii dambe yimid” ee xilka qabtay.

“Waxay ahayd khalad aad u xun in Qadaafi la dilo. Waxa laga yaabaa in aanu ahayn hormood dimoqraadiyadeed, laakiin markii loo dhammeeyey, xasillooni-darro siyaasadeed ayaa ka abaaddey Liibiya iyo Afrika,” ayuu yiri wasiirku.

Sarkaalku wuxuu xusay in Roma ay ilaalisay heshiis ay la gashay hogaamiyahaasi kaasoo “xannibayey qulqulka qaxootiga xaaladuna aad bay u xasilloonayd.”

Qadaafi waxa si arxan darro ah u toogtey dagaalyahannada fallaagada ahaa xilli ay jireen duqaymaha NATO, oo lagu marmarsiyoonayey in lasoo rogayo “aagga duullimaadyada ka caaggan” intii lagu jirey dagaalkii sokeeye ee Liibiya 2011.

Hadalsame Media