(Istanbul) 16 Agoosto 2023 – Mauro Icardi iyo Dries Mertens ayaa la arkay iyaga oo ku qoslaya saaxiibkooda ay u wada saftaan Galatasaray ee Wilfried Zaha, kaddib markii uu xiddigii hore ee Crystal Palace uu ku guuldarraystay in uu xakameeyo kubbad loosoo baasay kulankii ay kooxdiisu 1-0 uga badisay kooxda NK Olimpija Ljubljana isreebreebka Champions League.
Weeraryahanka Ivory Coast oo 30-ji ah ayaa caadi ahaan wacdaro ka dhigay ciyaartaasi, isagoo qanciyey taageereyaashiisa cusub ee garoonka Ali Sami Yen Stadium, islamarkaana si xirfad leh ugu gooynayey ciyaartooy badan oo ka tirsan Ljubljana ah intii ay ciyaartu socotey.
Laakiin hal mar, ayuu Zaha oo dheesha lasoo galiyey nasashada kaddib, wuxuu u muuqdey mid ay ku adag tahay inuu koontoroolo kubbad boodboodaysa oo la siiyey, taasoo ciyaartii ka dhigtay fooro gacan.
Yeelkeede, Ciyaartooyda ay isku kooxda yihiin qaarkood si Icardi iyo Mertens ayaa la arkayey iyagoo wejiyadooda ku qarinaya gacmahooda iyagoo fadhiya kaydkana ku qoslaya laacibka.
icardi ve mertens zaha’ya gülüyor hahahahahhahadkjasdkasdhasjd pic.twitter.com/bCZhjZpGM0
— timu (@_tmcntncr) August 15, 2023
Hadalsame Media