(Hadalsame) 16 Agoosto 2023 – Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay waddo dowladda Soomaaliya, iyo wejiga labaad ee dagaalka oo ay soo wajaheen caqabado ay ka mid yihiin qaar ka mid ah dalalkii ka qeyb-geli lahaa oo ka cagajiidaya.
Hase yeeshee sarkaal dhinaca gaashaandhigga ah oo ka tirsan Kenya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin waxa uu VOA u sheegay in Kenya weli ay ka go’an tahay ka qaybgalka hawlgalka Operation Black Lion.
VOA waxay sidoo kale la xiriirtay diblomaasiyiin ka tirsan waddamada Itoobiya iyo Jabuuti oo aan markiiba kasoo jawaabin codsigeenna waraysiga.
”Ma dhihi karo waa baaba’ay balse muuqaal muujinaya inay dhaqse uga qaybgelayaan dagaalka iima muuqdo.” ayuu yiri Taliyaha Xoogga Somalia oo sheegay in si kastaba ay isku tashanayaan iyagu.
Si kastaba, sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Kenya oo aan magaciisa la baahin ayaa VOA u sheegay in weli dalkiisa ay ka go’an tahay inuu kasoo baxo ballanqaadkiisii hore.
MW Somalia ayaa bishii Febraayo Muqdisho ku casuumey madaxda dalalka safka hore ee Somalia deriska la ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti kuwaasoo xilligaa war murtiyeedkooda ku xusay inay taageerayaan howlgalka wejigiisa 2-aad oo lagu naanaysay Libaaxa Madow.
Somalia’s army commander says he is unsure frontline countries will participate in the planned military operations against al-Shabaab despite earlier commitment.
Major General Ibrahim Sheikh Muhudin told @i_dossier in his first interview since his appointment that it doesn’t…
— Harun Maruf (@HarunMaruf) August 15, 2023
Hadalsame Media