(Hadalsame) 16 Agoosto 2023 – MW Xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku eedeeyey Ciidamada ATMIS inay bilaabeen istaraatijiyad ay ku wareemayaan qorshaha ay DF Somalia kula dagaallamayso Shabaabka oo laga xoreeyey degaanno badan.
Wuxuu xusay in dhulalka maamullada KG Somalia iyo Jubaland ay ka baxayaan tiiyoo aan la diyaarinin ciidankii bedeli lahaa, taasoo keentay inay Shabaabku qabsadaan meelaha ay ka baxayaan.
Wuxuu Aadan sheegay in dib u dhaca gurmadkii dalalka deriska ahaa ee Howlgalka Libaaxa Madow ay arrinta uga sii dartay, wuxuuna ciidamada ATMIS ugu baaqay inaysan ka bixin xeryohooda iyadoo aan bedel la helin.
”Waxaan doonaynaa inaan farno ATMIS inay mas’uuliyad qaataan. Horay waxay uga bexeen Gerilleey oo dadkii lagu dhibaateeyey, bishanna meelo kale ayay ka bixi rabaan. Marka iyadoo dhinac howlgal ka socdo aysan dhinac kale Shabaabka laga dhiirrigelin.” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ku baaqay in dib loo dhigo bixitaanka ATMIS.
Wuxuu MW Xigeenku soo jeediyey in dagaalku uu ku fiican yahay in hal mar gees ka gees laga bilaabo halkii marba gees laga bilaabi lahaa inta wejiyo kala duwan laga dhigo dagaalka.
Dadka arrintan u dhuun daloola ayaa madaxda Soomaalida ku dhaliilaya inay ku fashilmeen inay 20 sano diyaariyaan ciidan Soomaaliyeed oo dishibiliin iyo qorshe leh, halka ATMIS lafteedu ay nabad ilaalinta Somalia u rogtey mashruuc mushaar lagu xasiliyo.
ATMIS ayuu qorshuhu yahay inay Somalia gebi ahaanba iskaga baxaan bisha Diseembar ee sanadka soo aaddan, balse dad badan ayaa qaba inay taasi keeni karto halis iyo firaaq amni oo hor leh.
Hadalsame Media