Xisbiyada mucaaradka Sweden oo xooggooda iskugu geeyey inay meesha ka saaraan ninka geed fadhiga u ah Qur’aan gubista & Islaam nacaybka

0

(Stockholm) 15 Agoosto 2023 – Axsaabta mucaaradka Sweden ee bidixda u janjeera ayaa cududdooda iskugu geeyey inay meesha ka saaraan Richard Jomshof oo ka tirsan Xisbiga cunsuriga ah ee SD islamarkaana ah ninka geed fadhiga u ah siyaasadda Islaam nacaybka ah, gubista Qur’aanka iyo arrimo kale.

Ninkan oo sidoo kale beri dhowayd si xun u aflagaaddeeyey Nabigeenna Muxamed NNKH ayaa ah Guddoonka Guddiga Cadaaladda ee Baarlamanka Riksdag ee dalka Sweden.

We will act together with the Left Party, the Center Party and the Environmental Party to get the Swedish Democrats’ Richard Jomshof to leave his post as chairman of the Justice Committee.

In the ongoing diplomatic crisis, he has encouraged more Quran burnings and has gone into conflict with the Muslim world.

Bayaan ay shalay soo saareen ayaa u qornaa sidan: ”Waxa aanu si wada jir ah ula shaqayn doonaa xisbiyada Vänsterpartiet, Centerpartiet iyo Miljöpartiet si ninka ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ee Richard Jomshof looga xayuubiyo jagada Gudoomiyaha Gudiga cadaaladda.

”Iyadoo ay socdaan qalalaase diblamaasiyadeed, waxa uu dhiirrigeliyay in la gubo Qur’aanka Kariimka ah isagoo madaxa la galay dunida Muslimka. Sidaa darteed, mucaaradka oo midaysan ayaa hadda dalbanaya in codka kalsoonida loo qaado.” ayay kusoo afjareen qoraalkooda.

Hadalsame Media