(Hargaysa) 15 Agoosto 2023 – Weriye Bushaaro Baandhe, oo markii ugu horreeysey ka hadashay qaabkii loo qabtay, xukunkeeda iyo dadkii garab istaagey intii xabsiga lagu hayey oo 3 bilood dhan.
Bishaaro Baandhe ayaa sheegtay inay ka xun tahay mudadaa xabsiga lagu hayey balse maanta ugu yaraan ay bannaanka joogto, iyadoo u mahadcelisey saxaafadda, xildhibaannada qaar iyo Dowladda UK oo wefdi uga soo dirtay Itoobiya iyo Muqdisho.
Waxay Bishaaro sheegtay in loo xirey eedaymo gacan ku samays ah oo aysan falin waxa loo xirey sida ay ku doodday, iyadoo hadlaysey markii ugu horreeysey tan iyo markii maanta damaanad lagaga sii daayey xarig hal sano ah oo lagu ridey.
Bishaaro oo qarreennadeedii sidoo kale u mahadcelisey ayaa sidoo kale xustay inaysan halis ku ahayn Maamulka Somaliland waloow lagu eedeeyey ”qaran-dumisnimo” sida ay ku sheegtay warkeeda oo mahadcelin u badnaa, balse waxay sheegtay in Wajaale laga soo qabtay tiiyoo aysan jirin wax barwo ah oo ay wateen booliiskii soo qabtay.
Waxaa kale oo ay xustay inay xabsiyada kusoo aragtay dad badan oo sharci darro iyo cadaalad darro u xiran iyadoo sheegtay inay dareemayso xanuunka dadkaasi, sida ay tiri.
Hadalsame Media