Ingiriiska oo ka digey weerar argagixiso oo ka dhaca dalka Sweden (Talo ay siiyeen muwaadiniinta)

0

(Hadalsame) 15 Agoosto 2023 – Dowladda Britain ayaa kula talisay inay taxadaraan oo ay iska jiraan meelaha la iskugu yimaado muwaadiniinteeda u safraya Sweden inay “feejignaadaan waqtigan” sababo la xiriira khatarta sii kordhaysa ee gacan ka hadal ay halkaa ka gaystaan kooxo xagjir ah, sida ay yiraahdeen.

“Argagixisadu waxay aad ugu dhowdahay inay isku dayaan oo ay weerarro ka gaystaan Sweden. Weerarradu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo ay ku jiraan meelaha ay ajnebigu ku badan yihiin,” ayay u dhignayd Talada Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK.

War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in maamulka Sweden ay mar horeba “fashileen tiro weerarro ah oo qorshaysnaa ayna xireen tiro dad ah oo lala xiriirinayey.”

Sida laga soo xigtey mareegaha booliska Sweden, khatarta argagixisannimo ayaa hadda mareeysa heerka 3-aad, taasoo la micno ah inay jirto “khatar sare”.

War qoraal ah oo ku saabsan isbeddelka ku yimid talada socdaalka ee UK, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Sweden, Henrik Landerholm, ayaa qiray in xaaladda ammaanku ay u xumaatay sababo la xiriira Qur’aanka Kariimka ah ee dhowaan si is xigxigta loogu gubay halkaasi.

Hadalsame Media