Ukraine oo Israel ku eedaysay inay xogaha xasaasiga ah ee Maraykanka u gudbiyaan Ruushka (Tillaabo ay ku gooddiyeen)

0

(Kiev) 14 Agoosto 2023 – Ukraine ayaa ka fiirsanaysa inay qaado tillaabooyin ka dhan ah Israa’iil si ay uga aargoosato inay bixin wayday wax ay ku sheegeen ”taageero ku filan”, sida uu qoray wargayska Kyiv Post [oo hore loogu yiqiin Kiev Post], isagoo soo xiganaya ilo amni oo aan la magacaabin.

Joornaalkan qurba-joogga ah ee ku hadla luqadda Ingiriisiga ayaa sheegaya in tallaabooyinka laga fikirayo in lagu dhaqaaqo ay ka mid tahay ka saarista Israa’iil ee shirarka heerka sare ah, ee ku saabsan Ukraine, ee saldhigga ciidammada cirka ee Maraykanka ee Ramstein, Jarmanka, sababo la xiriira cabsi laga qabo inay macluumaadka xasaasiga ah u gudbiyaan Ruushka.

Kyiv Post ayaa soo xigtey howlwadeen aan la magacaabin oo ka socda Golaha Amniga Qaranka iyo Difaaca Qaranka ee Ukraine isagoo leh “mas’uuliyiinta Israa’iil waligood ma aysan bixin caawinaad dhab ah.”

Sida laga soo xigtey warbaahintan, mas’uuliyiinta Kiev kuma faraxsana waxa ay u arkaan Dowladda Yuhuuddu “ficillada aan saaxiibtinimada lahayn ee ku wajahan Ukraine iyo mowqifka ay taageersan yihiin Ruushka ee fagaaraha caalamiga ah.”

Intaa waxaa dheer, in howlwadeen ammaanka Ukraine ka mid ah oo aan la magacaabin uu u sheegay Post inay jirto “khatar dhab ah” oo ku aaddan in macluumaadka lagu lafa-guro kulamada xerada Ramstein “ay u badan tahay inay ku dhici doonto Ruushka.

Hadalsame Media