(Burco) 14 Agoosto 2023 – Odayaal shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa sheegay in isla halkaa afduub loogu gaystey wiil dhallinyaro ah oo la yiraahdo Axmed Siciid Axmed oo sarrifle ka ah magaaladaasi.
Wiilkan oo afkiisa ku hadlay ayaa sheegay inay magaalada qaab afduub oo kale ah uga dhex qabteen ciidamada dhar-cadka ah ee Somaliland, kuwaasoo usoo jeediyey inuu tago meel u dhow Buurta Gacan Libaax oo ay ku jirto jabhad kasoo horjeedda Maamulka Somaliland.
Wuxuu sheegay in loo joojiyey gaari ay muraayadaha ugu xiran yihiin beersol madow kaddibna lagu yiri ”soo fuul aan kusii qaadnee”, balse markii uu galayba inta bastoolado lagu qabtay lagu amray inuu indhaha iska xiro telefoonnadana damiyo kaddibna waxaa la geeyey guri magaalada ku yaalla.
Intaa kaddib waxaa loo sheegay in dhegaha xarkaha telefoonka loo geliyey si uu ula hadlo Maxamed Muuse Biixi oo u sheegay in xaalkiisa laga warqabo oo xitaa loo sheegay inuu haysto lacag dhan 15 milyan oo Shilinka Somaliland ah, balse loo hayo shaqo uu ku dhergi doono, haddii uu aqbalo. Wuxuu igu yiri:
”Waxaad tegeysaa Sheekh waxaadna ku degeysaa Hoteel la yiraahdo Xaashi Baarow. 5 nin baa halkaa kaa kexeeynaya oo ku gaynaya meel u dhow Buurta Gacan-libaax iyagoo kuu wada dhar gaar ah oo aad xiran doonto.
”Waxaad deeto halkaa kaga dhawaaqaysaa urur Islaami ah oo doonaya in Somaliland lagu xukumo diinta Islaamka adigoo dagaal u caddaysanaya Maamulka Somaliland. Waxaad kaloo madaxda ku tilmaamaysaa inay yihiin murtadiin diinta ka baxay adigoo sheeganaya in midkood aad ku biirtay Shabaab ama Daacish.” ayay raaciyeen waxaa kale oo loo sheegay inuu sheegto weerarka hay’ado samafal ah oo aaggaa joogey sida Hello Trust oo gawaari laga dhacay.
Marka uu intaa dhameeyo waxaa la kala doorransiiyey inuu qaato 100,000 oo Doollar iyo loo sameeyo Baasaboor Faransiis ah oo ah dal ay u sheegeen inay ka caawinayaan duqaynta jabhadda ku jirta Gacan Libaax kaddib marka lagu tiro inay ”argagixiso yihiin.” Wuxuu sheegay inuu ”doortay” inuu kaashka qaato si uu mar uun uga soo baxsado.
Odayada qoyskiisa ayaa haatan waxay Maamulka Somaliland ka codsadeen inay arrintan meel saaraan maadaama halis la geliyey welina uu ku jiro ammaanka wiilkan dhallinyarada ah.
Waxaa kale oo ay codsadeen in haddii qofka lasoo hadlay haddii uu yahay wiilka MW Biixi iyo haddii kaleba lasoo caddeeyo.
Hadalsame Media