(London) 14 Agoosto 2023 – Andy Oddy oo ah siyaasi hore haatanna ah ololeeye aad u diiddan siyaasadda ay muxaafidku horseedka ka yihiin ee lagu wado dalka UK, ayaa keenay fikrad lagu joojin karo qaxootiga ka imanaya iyo dagaallada ka soconaya dalal dhowr ah.
Waxaa dalalka uu xusay ka mid ah dalka Somalia, isagoo Dowladda UK ku eedeeyey inay qayb wayn ku leedahay dagaallada halkaa ka soconaya iyo dadka ka qaxaya intaba.
Nuxurka hadalka Oddy waa in ”haddii ay Ingiriisku hakiyaan hubka ay siiyaan dalalkaasi” uu joogsanayo dagaalku, natiijo ahaanna uu sidoo kale meesha ka baxayo qaxootiga ka imanaya dalalkan.
Wuxuu yiri: ”UK iyo Maraykanka ayaa dagaal ka bilaabay: Afgaanistaan
Ciraaq, Suuriya, Suudaan, Soomaaliya, Yemen, Myanmar, Haiti iyo kuwo kale. Ruushka ayaa isna dagaal ka bilaabay: Ukraine.
”Ma rabtaan inaad xallisaan dhibaatada qaxootiga? JOOJIYA iibka hubka ee wadamada kale.” ayuu soo jeediyey.
Wars lead to refugees:
UK and US started war in: Afghanistan
Iraq
Russia started war in:
Ukraine
Own govts caused wars in:
Syria
Sudan
Somalia
Yemen
Myanmar
Haiti and more
All supported on one or both sides by US/UK/French Chinese or Russian arms
Want to solve the refugee crisis?…— CllrAndyOddy 🏴🇬🇧🇪🇺(🌹🔶💚) (@CllrOddy) August 14, 2023
Hadalsame Media