Dal Muslim ah oo Maraykanka si cad uga diidey inuu hub siiyo dalka Ukraine

0

(Hadalsame) 14 Agoosto 2023 – Saraakiisha Masar ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansadeen in aysan ku lug yeelanaynin hubaynta Ukraine, iyagoo ka gaabsaday codsiyadii Maraeykanka ee soo noqnoqday ee ahaa inay siiyaan madaafiicda iyo hubka kale ee looga baahan yahay dagaalka Kiev ee ka dhanka ah ciidamada Ruushka.

Washington ayaa sidoo kale Masar ka codsatay inay siiso Ukraine gantaalaha lidka taangiyada, nidaamka difaaca hawada iyo hubka fudud, sida uu qoray wargayska Wall Street Journal, isagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabaynin.

Codsiyadan ayaa la sameeyey dhowr jeer, kuwaasoo uu ku jiro kulan bishii Maarso dhexmaray Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee Lloyd Austin iyo Madaxwaynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi oo ka dhacay Qaahira.

“Wadahadal ay la yeesheen saraakiisha Maraykanku, Masar si dhab ah uma aysan diidin codsiyada, laakiin mas’uuliyiinta Masar ayaa si gaar ah u sheegay in Masar aysan qorshaynaynin inay wax hub ah u dirto Ukraine,” ayuu yiri wargaysku.

Fariintaasi sida muuqata ma aysan ku farxin Washington. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa rajo ka muujiyEy in Masar ay caawiso Ukraine, isagoo wargAyska u sheegay in “wadahadallada ay la yeesheen saaxiibadood Masar ee ku aaddan danaha labada dal ee lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka uu yahay mid miro dhal ah oo socda.”

Horraantii sanadkan 2023, Qaahira ayaa la sheegay inay diiddey cadaadis Maraykanka kaga yimid oo ahaa qorshe la sheegay in gantaalo looga iibinayo Ruushka.

Al-Sisi ayaa isku dayaya inuu xiriir wanaagsan la yeesho labadaba Washington iyo Moscow tiiyoo ay jirto xiisadda Ukraine, isagoo diiday inuu ku biiro ololaha Maraykanku uu hoggaamiyo ee lagu hubaynayo Ukraine laguna ciqaabayo Ruushka.

Hadalsame Media