(Muqdisho) 14 Agoosto 2023 – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diintam Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa sheegay Axaddii shalay in Wasaaraddiisu ay badbaadisay ama biirisay lacag dhan $1.15 milyan oo Doollar sanadkii la soo dhaafay.
Waxa kale oo uu sheegay in lacagtan lagu dhisi doono dhisme ka kooban 5 dabaq oo ay Wasaaraddu leedahay kaas oo ku dhamaan doona wax ka yar muddo laba sano, sida uu yiri.
Haddaba, dadwaynaha ayaa arrinkaa ka fal-celiyey iyagoo amaanay in la helo wasaarad wax biirisa oo wax soo celisa, balse waxay dood ka keeneen in guri 5 dabaq ah ay 5milyan ku baxayso.
”Guriga Muqdisho ugu qurxoon waxaa dhista lacag aad uga yar 5m.” mid baa soo qoray.
Waxay kale oo soo jeediyeen in guriga WASAARADDA lagu koobo 2 dabaq oo qura, balse lacagta inta kale lagu maalgeliyo meelo kale oo ummadda uga soo wax soo saar badan in la dhiso 5 dabaq oo aan shaqo badan haatan lagu qaban doonin amaba laga maarmi karo.
Ha yeeshee, dad kale ayaa kuwaa khilaafay oo soo jeediyey in maadaama aan nahay dal Muslim ah ay sax tahay in Wasaaradda Arrimaha Diinta laga dhigo wasaarad wayn oo qurux badan.
Halkan hoose ka aqri fal-celinta dadwaynaha….
#Somalia: Minister of Endowment and Religious Affairs Mukhtar Robow Abu Mansour said on Sunday that his ministry saved $1.15 million over the past year. He said the money will be used to build a 5-storey ministry building which will be completed in less than two years. He said… pic.twitter.com/dDhndRCYrB
— Harun Maruf (@HarunMaruf) August 14, 2023
Hadalsame Media