(London) 13 Agoosto 2023 – Xeerarka cusub ee socdaalka, oo Baarlamaanka UK la horgeeyay 17-kii Luulyo, ayaa xaqiijinaya in laga bilaabo Sebtember 2023 dadka leh sharciga deganaanta ee EU Settlement Scheme (EUSS) si toos ah sharcigooda loogu kordhin doono 2 sano oo dheeraad ah kahor inta uusan dhicin xitaa haddii aysan helin degenaansho ama iqaamo joogto ah.
Habkan waxaa si otomaatig ah u samayn doona Home Office-ka oo eego doona maqaamka dhijitaalka ah ee qofka. Kordhintan tooska ah ayaa qofka la ogaysiin doonaa. Tanina waxay xaqiijin doontaa in qofna uun lumin sharcigiisa deganaanta haddii aysan codsan inay u beddeshaan xaalad deggenaansho joogto ah.
Home Office-ku waxa kale oo uu damacsan yahay inuu qaado tillaabooyin uu si toos ah dadka iqaamadooda ugu beddelayo mid joogto ah marka ay u qalmaan, iyaga oo aan u baahnayn inay codsi dirsadaan oo waxaa howsha loo qabanayaa si otomaatig ah, sida cusboonaysiinta 2-da sano oo kale.
Inta lagu jiro 2024-ka, hubin otomaatig ah ayaa lagu eegi doonaa inay si joogto ah u degenaayeen UK. Si loo hubiyo inaan iqaamada joogtada ah ee ”settled status” aan si khaldan loo bixin ama loo siin qofka.
In ka badan 2 sano laga bilaabo xilligii kama dambaysta ahaa ee uu dhacayey codsiga deganaansha EUSS ee 30-kii Juun 2021 iyo dadkii deganaa Boqortooyada UK dhamaadkii xilliga kala guurka ahaa ee 31-kii Diseembar 2020, ayaa sidoo kale hubin doonaa in Home Office-ku uu xaqiijiyo daacadnimada codsiga EUSS, si meesha lagaga saaro khiyaanada iyo xadgudubka.
Waxay ka mid yihiin isbeddelada habka loo tixgeliyo sababaha macquulka ah ee codsiyada habsan ee nidaamka. Waxaan sidoo kale xireynaa 2 waddo oo ku meel gaar ah, labaduba waxay ka baxsan yihiin ballanqaadyada Heshiiska Ka bixitaanka UK.
Lord Murray, oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Dowladda ee Socdaalka iyo Xuduudaha, ayaa yiri:
”Kordhinta tooska ah ee heerka hore loo dejiyay waxay hubinaysaa in qaar badan oo ka mid ah dadka EU, EEA iyo muwaadiniinta Swiss iyo xubnaha qoyskooda ee ku sugan UK ay sii wadi karaan inay wax ku biiriyaan qaaraanka sida wayn loo qiimeeyo ee bulshada Ingiriiska iyaga oo aan ka baqayn inay lumiyaan maqaamkooda socdaalka.
”Tallaabooyinka aan ku dhawaaqnay waxay sidoo kale noo suurtagelin doonaan inaan sii wadno si adag wax uga qabanno codsiyada EUSS ee been abuurka ah, si aan tas-hiilaad ugu diyarainno codsadayaasha dambe ee sharciga ah.” ayuu raaciyey, isagoo codsadayaasha dambe ula jeeda dadka EU ee aan weli codsan deganaanshaha.
Laga bilaabo 31-ka Maarso 2023, qiyaastii 5.6 milyan oo reer Yurub ah iyo xubnaha qoyskoodu ayaa waxay heleen xuquuqdooda degannaanta Boqortooyada UK iyada oo loo marayo nidaamka EUSS-ta ee sida wayn u guulaystey, iyadoo lagu qiyaasay 2.1 milyan oo ka mid ihi ay haystaan iqaamada KMG ah ee pre-settled status, halka lagu qiyaasay in 3.5 milyan ay leeyihiin degganaansho joogto ah ama settled status.
Hadalsame Media