Caro aad u xooggan oo ka taagan sarkaal maydkiisa lagula kacay arrin ka baxsan gobannimo-dirirka (Daawo)

0

(Minnesota) 13 Agoosto 2023 – Qaar kamid ah ehellada Marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamed Bile oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland, ayaa si kulul uga hadlay arrin ka baxsan dhaqanka suubban & gobannimo dirirka oo lagula kacay maydkii sarkaalaasi oo ka mid noqday askartii ku geeriyootey dagaalkii Jimcihii ka dhacay buurta Gancan-Libaax.

Qaraabada sarkaalkaasi oo ay hadleen qaarkood oo ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa aad u saluugey sida ka baxsan bani’aadminnimada ee loola dhaqmay marxuumka, kaasoo muuqaallo lagu wadaagey baraha bulshada laga arkayey tiiyoo wejiga lug laga saarayo.

Qaraabada askariga ayaa sheegay in tan xanuunka gaarka ah ku beertay ay tahay in waloow meesha lagu diley 9 askari guud ahaan, misna kaliya lagu tacadiyey maydkii marxuum Axmed, taasoo muujinaysa takooris gaar ah.

“Waxaa isugu nimid inaan aad iyo aad u cambaarayno falkii foosha xumaa ee lagula kacay sarkaalkaa maydkiisii, waxaan si adag u cambaareyneynaa dadkii falkaas geystay, waxaan sidoo kale cambaareyneynaa cid kasta oo falkaas raali ka ah.” ayuu yiri mid kamid ah ehelladu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in Axmed Cabdullaahi uu u shaqaynayay dowladda, balse abaalkiisua uu noqday in maydkiisa afka laga laado, iyagoo guud ahaan farriin qaylodhaan ah u diray madaxda Somaliland, Culimada iyo guud ahaan Soomaalida oo ay ugu baaqeen inay ka dhiidhiyaan falkaa foosha xun.

Si kastaba, dadwaynaha ayaa baraha bulshada uga fal-celiyey falkan oo ay aad uga xumaadeen dad iskugu qaybaha kala duwan ee Soomaalida, maadaama ay Soomaalidu lahayn xeer-dagaal soo jireen ah sidoo kalena ay haysato diinta Islaamka oo faraysa in maydka la xurmeeyo, si kasta oo aad u nebcayd markii uu noolaa.

Hadalsame Media