(Hadalsame) 13 Agoosto 2023 – Taleefanka casriga ee internetku ku xiran yahay iyo baraha bulshada ee qof walbaa adeegsan karo waxa ay la mid yihiin qori boobe ah oo rasaasi ka buuxdo ammaankuna furan yahay. Qorigaasi dheef iyo dhibba waa leeyahay. Dheeftiisu waa in aad isku difaacdid, cadow ama dugaag ku soo weeraray aad isaga dhicisid; dhibtiisu waa in qorigaasi u baahan yahay mas’uuliyad, caqli iyo fayoobi maskaxeed.
Waa in ay jirtaa awood dawladeed oo leh xeerarkii qeexayay adeegsiga qoriga iyo waxa looga baahan yahay qofka lagu aamminayo, iyo ciqaabta lagu qaadayo qofka si xun u adeegsada. Dawladdaasi waa in ay sidaa oo kale leedahay maxkamadihii, boliiskii iyo sirdoonkii xeerarkaa dabbaqayay.
Xeerarka waxa ugu horreeya waxaa ka mid ah kow, in qofka qoriga qaadayaa caafimaad ahaan (maskixiyan) fayow yahay oo maankiisu taam yahay; labo, in qofkaasi garaad leeyahay oo uusan ahayn mid garaad ahaan dhimman (intellectual disability); saddex, in qofkaasi qaangaar yahay oo uusan carruur ahayn; afar, in qofkaasi mas’uul yahay oo uusan ahayn qayru mas’uul khamri iyo daroogo isku dhaaminaya asaga oo qorigu garabka u suran yahay.
Intaa iyo ino kale oo badan ayaa ay qasab tahay in lagu dabbaqo qaadashada iyo haysiga qoriga haddii kale waxaa dhacaya waxa Soomaaliya ka dhacay.
Soomaaliya mas’uuliyaddarrada ugu wayni kow waxa ka dhacday qorista ciidanka hubka lagu aamminayo. Dhammaadkii 1970yadii ayaa lagu tuntay xeerarkii hore u jiray ee ciidanka ka mamnuucayay dadka balwadda leh, dadka dambilayaasha ah, dadka tuugada, ah, dadka maskixiyan aan fayoobayn. Waxaas oo dhan waagii hore ciidanka looma oggolayn, laakiin goor dambe ayaa laga buuxiyay ilaa ciidankii noqday gole aalkoleystayaasha iyo inta waalwaalani ku hareen.
Jabhadihii iyo maamulladii ka dambeeyay 1991 ayagun isla waddadaa hore ayay qaadeen oo ilaa maanta ciidanka hubka sita dadka ugu badan ee la qoro waa kuwa aan kor ku sheegnay.
Dadka noocaa ah marka hub loo dhiibo, waxa aan filayaa natiijada ka dhalan doonta u ma baahna sheegis, waa tu aan ka wada dheregsannahay.
Waxa aan intaa oo dhan u soo araranayay, baraha bulshada iyo taleefannada casriga iyo internetku waxa u baahan yihiin dawlad maamusha waayo dadku ma wada laha caqli, dadku ma wada caafimaad qabaan mana wada aha balwad la’aan. Sidaa daraaddeed, haddii la waayo dawlad maamusha, filo wax walba oo aad ka filan lahayd doqomo, aalkoleystayaal iyo qayru mas’uuliin qori haysta.
W; Q: Cali M Diini
FG: DF Somalia waxay wax badan ka qaban kartaa intii ay iyadu sharciyan ka taliso, xitaa dalalka dibedda kuwa joogana waxay la kaashan kartaa ama u bandhigi kartaa dalalkaasi.
Hadalsame Media