(Muqdisho) 10 Agoosto 2023 – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee DF Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay soo celisay lacag dhan $273,333.3 kun oo dollar, taas oo horey loogu kireeyey basaska Xujeyda geynayay Mina ilaa Arafa sannadkan, balse qaarkood aysan shaqada soo galin ama cilado kuyimaadeen, taas oo kaliftay in gaadiidka yaraadaan.
Dawladda Soomaaliya, ayaa shirkadaha Basaskan ee gudaha Sacuudiga laga kireeyey kasoo celisay lacagtan, waxana ogaanay in guddiga Xajka, wasaaradda Awqaafta iyo Xukuumaddu ay ka fakarayaan 3 qodob oo ah sidii loo maamuli lahaa lacagta.
1 – In lagu iibsho baabuurta Caafimaadka gurmadka deg deg ah, oo ay leeyihiin Xujeyda Soomaaliyeed, Sadaqana u noqonaysa cid kasta oo wax ku lahayd lacagta lasoo celiyey
2 – In lagu wareejiyo shirkadihii xujeyda keenay, si ay Xujeydii u gaarsiiyaan, iyadoo la qeybinayo.
3 – Iyo In Xaaji kasta si siman qeyb loo gaarsiiyo, taas oo qadarta kuhagaagayo ay noqon karto wax ka yar $25 dollar
Wali macada go’aanka la qaatay.
W; D: Faarax Cabdulqaadir Max’ed
Hadalsame Media