(Islamabad) 10 Agoosto 2023 – Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa Pakistan, gaar ahaan ciidamada, ku cadaadisay inay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wasaarihii la jeclaa ee Imran Khan, sanadkii hore, sababo la xiriira doorka dhexdhexaadnimada ah ee uu ka istaagey dagaalka Ukraine, sida ay sheegeen The Intercept iyaga oo soo xiganaya xarig diblomaasiyadeed oo qarsoodi ah oo laga helay ilo ku dhow millateriga Pakistan.
Xariggan diblomaasiyadeed waxa uu xiganayaa kulan dhexmaray saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Safiirka Pakistan u fadhiya Maraykanka Maarso 7, 2022-kii.
“Dadka halkan jooga yacni Maraykanka iyo Yurub waxay aad uga walaacsan yihiin sababta Pakistan ay u qaadanayso mowqif dhexdhexaadnimo ah” oo ku saabsan Ukraine, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Xafiiska Arrimaha Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya, Donald Lu, ayaa uga digey madaxii Pakistan, isagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu keligiis wadey wax uu ku sheegay ”siyaasaddaa gefka ah.”
Inkasta oo Ambassador Asad Majeed Khan uu isku dayayey inuu saxo Maraykanka, isaga oo u tilmaamay in mowqifka Pakistan ee Ukraine uu yahay mid ay la wadaagto dawladda oo dhan, Lu ayaa kasoo horjeestey oo xusay inay tahay habdhaqanka Ra’iisul Wasaaruhu uu yahay midka dhibaatadu ka joogto, laakiin “haddii codka kalsoonida loo qaadayo Ra’iisul Wasaaruhu uu guulaysto, dhammaan wax kasta ay cafiyi doonto Washington.”
“Haddii kale, waxaan u malaynayaa inay adag tahay in lasii wada socdo” ayuu ku hanjabay, isagoo raaciyey in Yurub ay ku dayan oonto hoggaanka Maraykanka dhanka “go’doominta Ra’iisul Wasaaraha.”
Hadalsame Media