Jabhad maxalli ah oo durba ku kacday ciidamadii xukunka Niger xoogga ku qabsaday

0

(Niamey) 10 Agoosto 2023 – Wasiirkii hore ee Dowladdii dhowaan la afgembiyey ee Niger, Rhissa Ag Boula, ayaa billaabay dhaq-dhaqaaq wax iska caabin ah, isaga oo doonaya inuu meesha ka saaro afgembigii Luulyo 26-keedii uuna dib u soo celiyo Madaxwayne Maxamed Bazoum.

Boula ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku dhawaaqay dhismaha Golaha Iska caabinta Jamhuuriyadda (CRR), isagoo ku baaqay in lasoo celiyo nidaamkii dastuuriga ahaa, lana xiro Jeneraal Abdourahamane Tchiani, oo ah hoggaamiyaha dowladda cusub ee millateriga.

Niger was the victim of a tragedy orchestrated by those who are nevertheless responsible for preserving it,” he stated.

“Niger waxay ahayd dhibane masiibo ay soo abaabuleen kuwa si kastaba ha ahaatee mas’uulka ka ahaa ilaalinta Madaxtooyada.” ayuu yiri Boala.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa ah mucaaradkii ugu horreeyey ee ka dillaaca gudaha dalkaasi oo kasoo horjeesta la wareegidda xukunka ee ciidamada, taasoo keentay in hoggaamiyayaasha millateriga ay Bazoum iyo qoyskiisa ku xiraan gurigiisa labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Kumannaan muwaadiniin ah ayaa taageeray Dowladda cusub ee ciidamada Niger ee afgembiga soo rogey.

Wadamada dariska ah ee Mali iyo Burkina Faso, oo iyagana ay ciidan qabsadeen, ayaa sidoo kale taageero u muujiyey hoggaanka cusub waxayna uga digeen dowladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay faragelin ciidan ku sameeyaan Niger.

Si kastaba, Afrika ayaa u baahan nidaam siyaasadeed oo cusub oo leh hiraal iyo han cusub, balse afgembiyo ciidan waxay kaliya ku dhamaan karaan in hiraalkaasi noqdo sidii kursiga lagu haysan lahaa, halkii qaaradda la hormarin lahaa.

Hadalsame Media