FBI-da Maraykanka oo toogtey nin dil ugu hanjabey MW Maraykanka + Sida wax u dheceen

0

(Provo) 10 Agoosto 2023 – Ciidamada Federaalka Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegay in saraakiil ka tirsani ay si ba’an u dhaawacay nin u dhashay dalka Maraykanka ee reer Utah ah oo lagu eedeeyey inuu hanjabaad u jeediyey Madaxwayne Joe Biden iyo dad kale oo shacab ah, sida ay sheegtay FBI-du, saacado kahor inta uusan ku imaan gobolkaasi booqasho rasmi ah.

Toogashadan ayaa dhacday subaxnimadii Arbacadii xilli saraakiisha FBI-da ay isku dayayeen inay ninkan kasoo xiraan gurigiisa Provo, Utah kaasoo la yiraahdo Craig Deleeuw Robertson, sida lagu aqoonsaday dokumenti maxkamadeed oo ay heleen dhowr warbaahinood.

Ninkan ayaa waxaa loo haystey saddex dacwadood oo heer federaal ah, oo ay ku jiraan inuu u hanjabay Madaxwaynaha iyo hay’adaha fulinta sharciga sida FBI-da iyo sidoo kale hanjabaado ka dhan ah maamul-goboleedyada.

Robertson wuxuu lahaa “ujeedo ah inuu dilo, ugu yaraan, [Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin] Bragg iyo Madaxwayne Joe Biden,” ayay dowladdu ku sheegtay dacwadeeda, iyadoo raacisay in tuhmanahani uu hanjabaad online ah u jeediyey Biden Isniintii, in yar kahor booqashadiisa Utah.

Ninkan ayaa horay u sheegay inuu boorka ka jafayo qorigiisa nooca wax lagu shiisho ah ee M24 Sniper markii uu maqlay inuu MW Biden imanayo gobolka Utah iyo inuu ogyahay in FBI-du ay baaris ku wato isagoo u sheegay inay qoryaha soo cabbaystaan haddii ay gurigiisa imanayaan.

Ninka ayaa hubaysnaa markii la toogtey iyadoo la sheegay inuu leeyahay dhowr qori.

Hadalsame Media