(Muqdisho) 07 Agoosto 2023 – Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya ayaa macallin cusub u magacaabay Xulka waawayn ee Somalia.
Tababaraha Xulka loo magacabaacay oo ah nin shisheeye ah waa Rachid Lousteque oo u dhashey wadanka Morocco kaas oo heshiis 2 sano ah u saxiixay Ocean Stars inuu hogaamiyo .
Waxaa sidoo kale intaa dheer inuu la shaqayn doono macallin kale oo shisheeye ah oo la yiraahdo El Barhami.
Go’aankan ayaa soo celinaya aragtidii ahayd in xulka uu wadi karo oo qura macallin shisheeye iyadoo loo dhiibi karey Nuur Amiin oo xulka Somalia gaarsiiyey guulo uusan xitaa gaarin xilliyadii “beri-samaadkii”.
Nuur Amiin ayaa labada heer ee Junyarka ee 17-jirrada iyo 23-jirrada qaaday Koobka Bariga iyo Bartamaha taasoo keentay inay Somalia usoo baxdo koobkii ugu horreeyey ee Qaramada Afrika.
Somalia ayaa haatan markii ugu horreeyey taariikhda ka qaybgelaya isreebreebka KA2026 lagu qabanayo Maraykanka.
Hadalsame Media