XOG: Shabaabka oo xayiraaddii ugu ballaarnayd kusoo rogey shirkadda Hormuud (Shirkado kale oo….)

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2023 – Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay xayiraaddii ugu ballaarnayd ay kusoo rogeen ilaa 35 xarumood oo ay ku howlgasho Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku kala yaalla qaar ka mid ah gobollada dalka.

Kooxdan ayaa la sheegayaa inay ku wargelisey dadwaynaha ku nool degaannada ay maamulaan ee isticmaala adeegga shirkaddaas inay isaga guuraan Hormuud oo ay bidaalkeeda qaataan taleefannada shirkadaha kale.

Wxaa kale oo ay xogtu sheegaysaa inay gebi ahaanba joojiyeen dhammaan wixii gaadiid ay shirkaddu lahayd ee ka howlgelayey degaannada ay kooxdani haysato.

Ha yeeshee, waloow xogahani soo baxayaan misna weli ma jiro faafin iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab ama xitaa Hormuud oo ku saaban xaqiiqada inay gebi ahaanba xireen adeegga shirkadaasi.

MAXAA LA ISKU HAYAA? Xogtu waxay sheegaysaa in muddooyinkii ugu dambeeyeyba uu jirey is-maandhaaf u dhaxeeya Shirkadda iyo horjoogayaasha Shabaabka kuwaasoo ku cadaadinayay Shirkadda Hormuud inay joojiyaan adeegga Bankiga Salaama Bank.

Waxay Bankigan ku haystaan inay, sida ay xoguhu sheegeen, in halkaa la mariyo lacagaha mushaaraadka Ciidamada Dowladda oo mara khasnadaha bangigaasi uga furan, waxaana la sheegay in shirkaddu ay dhegohooda ku dhibcisay in aanu u fududayn fulinta iyo dhaqangalka dalbakaasi.

Tiilaabadan la sheegayo ayaa kusoo beegmaysa xilli ay DF iclaamisey inuu bilaabmay wejiga 2-aad ee dagaal kooxdan looga saarayo dhulalka ay uga hareen koonfurta iyo bartamaha dalka, xilli horay degaanno badan looga cayriyey.

Hadalsame Media