(Niamey) 07 Agoosto 2023 – Millateriga Niger ayaa diidey inay dhiibaan awoodda, maadaama waqtiga kama dambaysta ah ee ay dejiyeen Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) uu dhacay Axaddii.
Hogaamiyayaasha afgembiga ayaa wacad ku maray inay Niger ka takhalusi doonto saamaynta gumaysiga, waxaana la sheegay in ay u weecdeen shirkadda gaarka ah ee calooshood u shaqaystayaasha Ruushka ee Wagner si ay taas u gaaraan.
ECOWAS ayaa todobaadkii hore soo saartay digniin hal todobaad ah oo ku socota hoggaamiyayaasha millateriga, iyagoo ka dalbanaya Jeneraal Abdourahamane Tchiani iyo Golihiisa Wasiirrada ee jeneraallada ah inay xilka ka degaan oo ay soo celiyaan Madaxwayne Mohamed Bazoum.
Jeneraallada ayaa xukunka ka tuuray oo xiray MW Bazoum dabayaaqadii bishii hore, iyadoo Tchiani uu kaddib joojiyey dhoofinta macdanta ee Faransiiska wuxuuna ku hanjabey inuu xitaa joojinayo heshiisyada millateri ee uu dalkiisu la galayo gumaysigii hore ee dalkiisa.
Ugu dambayntii ay qabteen ECOWAS waxay ku dhamaatay tiiyoo aan dheg jalaq loo siin.
“Dhammaanteen waxaan u istaagi doonnaa oo aan u dagaallami doonnaa annagoo hal qof ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada millateriga Jen Mohamed Toumba oo ka hadlayey caasimadda Niamey. “Waxaan idin waydiisanaynaa in aad is abaabushaan.”
Nayjeeriya oo hoggaaminayso, dhowr waddan oo xubno ka ah ururka ECOWAS ayaa dejiyay qorshooyin dagaal waxayna isu diyaarinayaan duullaan.
Si kastaba ha ahaatee, sharci-dajiyayaasha Nigeria ayaa ku riixaya Madaxwayne Bola Tinubu inuu raadiyo xal diblamaasiyadeed kahor inta aan halkaa loo dirin ciidamada Nigeria ee ka gudbaya xadka.
Hoggaamiyaasha afgembiga sameeyay ayaa waxaa iyana taageeray dowladaha Mali iyo Burkina Faso oo labaduba ay ciidamo wareegeen talada dalkaasi kaddib kacdoono loogasoo horjeedo Faransiiska labadii sano ee u dambeeyey.
Hadalsame Media