Magacyada iyo dalalka ay u dhasheen rag u socdey inay ku biiraan Shabaab oo Kenya lagu qabtay oo aan helnay

0

(Gaarisa) 07 Agoosto 2023 – Booliiska dalka Kenya ayaa qabtay ilaa shan muwaadin oo Tanzanian iyo Ugandan iskugu jira oo u socdey Somalia.

Raggan ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Muhamed Jahad Farah, Nadrik Mbwana Salumi, Saad Suleiman Saleh, Ali Issa Ali oo Tanzanian ah iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Waxaa dhaqdhaqaaqooda la socdey Ciidanka Ammaanka Kenya oo ku qabtay magaalada Gaarisa ee laga maamulo dalka Kenya.

Waxay xilliga kusii jeedeen Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, sida lagu qoray Barua.

Hadalsame Media