(Gondar) 07 Agoosto 2023 – Dagaal sii xoogaysanaya isagoo kusii fidaya Gobolka Axmaarada ee Itoobiya wuxuuna u u dhaxeeyaa maleeshiyaad degaanka ah iyo millateriga DF Itoobiya.
Dadka ku nool labada magaalo ee ugu waawayn gobolkaaasi, oo kala ah caasimadda Bahir Dar iyo Gonder oo ah magaalo taariikhi ah, ayaa soo sheegaya iska horimaadyo xooggan.
Gayfanayaasha iyo warbaahinta xiriirka la leh maleeshiyaadka dowladda la dagaallamaya ayaa ku andacoonaya inay la wareegeen gacan ku haynta qaybo ka mid ah magaalada Bahir Dar, balse waxa ay sheegayaan in ciidamo badani ay ku sugan yihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada iyo xarunta TV-ga Dowladda.
Duullimaadyadii aadi jirey garoomada diyaaradaha ee gobolka, oo uu ku jiro midda Lalibela, oo ay ku yaallaan kaniisadaha caanka ah ee Hewn ayaa wali hakad ku jira.
Maleeshiyada ayaa sidoo kale sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan qaybo badan oo ka mid ah Debre Birhan, oo ah xarun wershadeed oo 130km (80 mayl) woqooyi ka xigta caasimadda Federaalka ee Addis Ababa.
BBC ayaa sheegtay inaysan weli u suurtagelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso sheegashadaas, balse dadka degaanka ayaa soo sheegay in dagaal culusi uu dhacay.
Axaddii, madaxa taliska aaggaasi ayaa wareegto uu soo saaray ku iclaamiyey xaalad deg deg ah taasoo soo baxday Jimcihii, Taliyaha Sirdoonka Temesgen Tiruneh, ayaa isna qirtay in maleeshiyadu ay la wareegeen meelaha qaar, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay taageeraan ciidamada DF.
Dhanka kale, magaalada Addis Ababa ayaa laga soo sheegayaa in dad badan xabsiga loo taxaabay dhamaadkii todobaadkan oo shalay ahayd.
Gayfanayayaasha ayaa Dowladda ku eedeeyey inay bartilmaansatay qoowmiyadda Axmaarada, waxa ayna tirada la xiray ku sheegayaan kumannaan.
Dagaalkan ayaa haddii uu ballaarto noqonaya dagaal kale oo la mid midkii ay DF la gashay qoomiyadda Tigreega oo hadda dhow laga heshiiyey, kaasoo ay qayb ka ahayd qoowmiyadda Amxaarada ee haatan weerarka ah.
Hadalsame Media