DAAWO: DF Somalia oo ku dheggan labada shirkadood ee Turkiga ah ee Albayrak & Favori LLC (Saami qaybsi khaldan & Xisaab maqan)

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2023 – Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee qaranka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin xasaasi ah oo ka dhan ah shirkadaha Turkiga ah ee kala maamula dekedda iyo garoonka Muqdisho ee Albayrak iyo Favori LLC.

Hantidhowraha qaranka, Axmed Ciise Guutaale, ayaa sheegay in labada shirkadood aysan soo gudbin wax xisaab xir ah kaasoo laga rabo 90 cisho kasta kaddib amaba rubuc-sanadeed sanad kasta.

“Labada shirkadood middoodna lama wadaagin Xisaabiyaha Guud ee DF warbixintooda maaliyadeed ee soo martay baarista hanti-dhowrka, si loo caddeeyo cadadka lacageed ee ay yeelanayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Hanti-dhowrku.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xafiiskiisa uusan awood u yeelan inuu arko warbixinta maaliyadeed ee shirkadaha Favori LLC iyo Albayrak, si loo xaqiijiyo heshiiska saami-wadaagga ah ee ay kula jiraan DF Somalia.

“Sidaas daraadeed, awood uma yeelan mana arkin si madaxbannaan macluumaad aan ku xaqiijiyo in khidmadda dheef-wadaagga ah oo dhan 32.4 milyan.” ayuu raaciyey.

Guutaale ayaa sidoo kale farta ku godey in Dowladda Federaalku ay xaq ugu leedahay shirkadda Favori LLC 25% oo ka mid ah dakhliga ay ka qabato Garoonka Aadan Cadde iyo 62.17% dakhliga ay qabato Albayrak.” ayuu mar kale yiri.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu  Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey, oo ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddiga Gaadiidku uu kashifay in DF Somalua ay hoteelka Decale ee qaaliga ah ka qaadato saami aan ka badnayn 12%, halka 88% ay jeebka ku shubato shirkadda Favori LLC, taasoo uu ku tilmaamay mid khalad ah oo ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo oo lagu noqdo.

Wuxuu kale oo uu Xil. Beerrey sheegay in heshiisku uu KMG yahay weli islamarkaana aan la sheegin sababta uu sidaa u yahay heshiis soconaya 25 sanadood ama rubuc-qarni.

Hadalsame Media