XABAASHII CIRKA: Dal dadka ka dhinta ku quudiya shimbirka Coomaadda & Sababta ay u samaynayaan + Sawirro

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2023 – Dhaqanka Aaska Cirka, oo sidoo kale loo yaqaan ‘xabaalihii samada’, ayaa si gaar ah ula xiriira dhaqanka Tibet, inkasta oo ay sidoo kale jireen ilbaxnimooyin kale oo iyana sidaa yeeli jirey.

Waxa laga yaabaa inaad aad ula yaabto arrintan oo ah in maydka lasoo qaado oo deeto la saaro dhul sare ama buur si ay ugu qadeeyaan shimbiraha raqda quura ee loo yaqaan Coomaadda.

Falsafadda ka dambaysa waxa ay dadka Tibetan-ku ku sheegeen inay ku jirto laba faa’iido oo ay midi tahay in laga takhaluso maydkii iyo in la quudiyo Coomaadda si ay dabeecaddu (nature) iskeed wax kasta ugu xalliso.

Taas ayay u arkaan doorashada dariiq is-hoosaysiin ah maadaama ay inta badan ku dhaqmaan Diinta Budhiisimka oo ka mid ah diimaha aan ruuxiga ahayn balse falsafiga ah.

Tibetan-ku waxay sidoo kale aaminsan yihiin in marka laga yimaado in jirka ay sharaf wayn u tahay inuu dhulka nafaqeeyo oo ku laabto uu misna qofku sii dhex marayo  Coomaadda oo ay u yaqaanaan ‘Dakinis’ (oo macneheedu yahay ‘qoob-ka-ciyaaraha cirka’), taasoo ay Tibetan-ku ku sheegaan kuwo barakaysan.

Hadalsame Media