Shirkada Muqdisho ku gaarey heshiis dhiig-miirad ah & DF Somalia oo door ku yeelan karta

0

(Muqdisho) 06 Agoosto 2023 – Muqdisho ayaa waxaa qiimo sare gaarey biyaha, kaddib markii ay heshiis khatar ku ah nolasha bulshada ay wada gaareen milkiilayaasha Ceelasha biyaha ee Muqdisho, sida aan xog ku helnay.

Heshiiskaa dhiig-miiradka ah ayaa durba keenay in meelaha qaar Muqdisho uu halkii Mitir Kube (1m³) oo biyo ihi uu gaaro $1.5 doollar.

Waxaa intaa dheer, in heshiiskan ay ka mid tahay in suuqa monoboli laga dhigo, tusaale ahaan ma jiro qof inta iska bixiya biyo ugu jirey mid kale gashan kara, haddii ay murmaan ama is fahmi waayaan biyihii ugu jirey, taasoo halis ku ah nolasha bulshada, nidaamka ganacsiga furan iyo xitaa xorriyadda madaniga ah ee Dastuuriga ah.

Si aad u dareentid saamaynta tillaabadan cusub, waxaad eegi kartaa in hore ay heshiis noocaan oo kale ah ay u gaareen shirkadahaa korontada siiya Muqdisho.

Caadiyan ganacsigu waa inuu ahaa mihnad u furan tartan sidoo kale waa in diiradda mar kasta la saaraa daryeelka iyo adeegga bulshada oo aysan noqon meel ay in yari bulshada dhiig miirtaan, sidaa darteed, waxaa mamnuuc ka ah shirkadaha inay galaan heshiis halis ku ah bulshada.

DF Somalia ayay sidaa darteed waajib ku tahay in iyada oo waajibkeeda gudanaysa islamarkaana ilaalinaysa maslaxada ummadda ay arrintan soo farageliso.

Hadalsame Media